Xagee ka helaysaa guri?

Hämeenlinna waxaa laga helaa guryo badan oo kala gedisan ama kala noocyo ah. Guri wanaagsan oo kugu haboon waxaad ka raadsan kartaa internetka ama waxaad ka eegan kartaa joornaalada ogeysiisyada lagu soo qoro. Sidoo kale waxaa jira shariikado badan oo guryo kiro ah laga helo Hämeenlinna.

Guriga ijaarka ah waxaad ku dalban kartaa oo buuxin kartaa foom codsi ah oo elegtaroonik ah oo internetka ah. Shariikadaha qaarkood waxay sidoo kale ku lee yihiin xafiisyo Hämeenlinna aad inta takto foomka guriga lagu codsado ka buux-buuxsan karto. Waxaa shariikadahaas ka mid ah tusaale ahaan 

  • Hämeenlinnan Asunnot Oy
    Turuntie 7
  • VVO-kotikeskus
    Birger Jaarlin katu 13
  • Realia Management Oy
    Sibeliuksenkatu 5 (dabaqqa 4aad)

Asiasanat: asuminen
Viimeksi muokattu: 11.9.2018