Sidee shaqo ku heli karaa?  

Iska soo qor xafiiska shaqada ee TE-toimisto inaad shaqo raadis tahay. Shaqaalaha xafiiska shaqada ayaa kaa caawimaya inaad raadsato shaqo kugu haboon ama waxbarasho.  

Markaad tagayso xafiiska shaqada horay u sii qaad

  • aqoonsi shakhsiyaddaada ah
  • shahaadooyinkaagi shaqo
  • shahaadooyinkaagi waxbarasho.  

Iska hubi in CV-gaagu yahay mid wakhtiga la socda. 

CV-ga waxaa laga soo gaabiyey erayadan Cirriculum Vitae oo macnaheedu yahay wixii aad noloshaada soo qabatay oo dhan. CV-ga waxaad kaga dhex sheekkaynaysaa oo ku sharaxaysaa naftaada. Waxaad ku sheegaysaa waxbarashadaadi, wixii aad soo baratay iyo wixii aad ka soo shaqaysay oo horay u soo qabatay. 

Hämeen TE-toimisto
Saaristenkatu 3
0295 041 500

www.te-palvelut.fi 

Si firdircoon shaqo u raadi

Adiga laftigaagu toos ayaad ula xiriiri kartaa meelaha shaqada ee aad doonayso inaad ka shaqayso. Waxaad wici kartaa qofka shaqo qaadashada madaxa ka ah oo inaad la kulanto kula heshiin kartaa. Waxaad geeysan kartaa meelaha shaqada khibraddaadi iyo CV-gaaga, xataa haddii aan markaas boos ka banaanayn. Qofka shaqo qaadashada masuulka ka ah hadhow ayuu gadaal kaala soo xiriiri karaa, markii shaqo soo baxdo oo boos ka banaanaado. 

Boosaska shaqada ee banaan waxaa lagu soo qoraa internetka. Shaqooyinka ugu badan waxaa la soo geliyaa bogga xafiiska shaqada ee TE-toimisto. 
www.te-palvelut.fi  

Waxaad sidoo kale shaqo ku heli kartaa saaxiibada iyo dadka aa taqaan adiga oo kaashada. 

Waxaad ka akhrisan kartaa faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan sida shaqada loo codsado bogga internetka ee TE-toimisto. Wararbixntu waxay ku qoran tahay luuqaddo kala duwan.
www.workinfinland.fi

Asiasanat: työllistyminen
Viimeksi muokattu: 29.11.2016