La-talin Ganacsi
Wetterhoffinkatu 2, 13100 Hämeenlinna
La-talin Ganacsi wuxuu bixiyaa hagitaan ku saabsan su’aalaha la xiriira ganacsiga iyo hawlaha shirkadaha.
Waxaan kaa caawin karnaa tusaale ahaan arrimaha soo socda:
- tallaabooyinka iyo shuruudaha aasaasida shirkadda
- bilaabista hawlaha ganacsiga
- caqabadaha iyo xaaladaha dhibka leh ee shirkadda cusub
- helitaanka adeegyada ganacsiga iyo shabakadaha taageerada
Adeeggu waa lacag la’aan.
Kaalay oo na soo booqo
Adeegga waxaa lagu heli karaa ballan la’aan iyo ballanba. Sidoo kale waxaad ugu yeeri kartaa la-taliyaha inuu booqasho ugu yimaado shirkaddaada.