Rugta la-talinta adeegayada caalamiga
Wetterhoffinkatu 2, 13100 Hämeenlinna
Rugta la-talinta adeegayada caalamiga waxay bixisaa talooyin ku baxa luuqado badan oo loogu talagalay dadka ajaaniibta ah ee deggan Hämeenlinna.
luuqadaha adeegga
booqashooyinka macaamiisha iyo xiriirada sannad kasta
macaamiil ka kala timid dalal kala duwan
Waxaan kaa caawinaa tusaale ahaan arrimaha soo socda:
- guriyeynta
- shaqada iyo shaqo raadinta
- waxbarashada
- buuxinta foomamka iyo arrimaha oggolaanshaha
- waqtiga firaaqada iyo hiwaayadaha
- la macaamilka hay’adaha dawladda
Adeeg ka helista xafiiska
Adeeggu waa lacag la’aan, loomana baahna ballan hore.
Markaad timaaddo barta adeegga, ka dooro mashiinka lambarka safka “Rugta la-talinta adeegayada caalamiga 1” ama “Rugta la-talinta adeegayada caalamiga 2” iyadoo loo eegayo luuqadda aad rabto inaad ku hadasho. Luuqadaha waxaa lagu arki karaa loox ku ag yaal mashiinka iyo shaxda hoose:
| maalin | luuqadaha | lambarka telefoonka |
|---|---|---|
| Isniin | soomaali yukrayn | 050 344 1595 040 516 1785 |
| Talaado | carabi | 040 145 5469 |
| Arbaco | sinhala kurdi-sorani, persia, dari | 040 630 7733 050 475 7114 |
| Khamiis | yukrayn | 040 516 1785 |
| Jimce | tagalog ruush, estonian | 040 778 6247 050 434 2152 |
Af-Finnish iyo Af-Ingiriisi waxaad adeeg ku heli kartaa maalin kasta. Haddii loo baahdo, waxaan sidoo kale isticmaali karnaa turjumaad degdeg ah.
Waxaad wici kartaa ama fariin (SMS, WhatsApp ama Signal) u soo diri kartaa la-taliyaha adeegga ee luuqaddaada lambarrada kor ku xusan maalmaha shaqada.

Nala soo xiriir
Kansainvälinen palveluneuvonta
- Telefoon
- 050 3045 472
- Avoinna
- ma-pe klo 10-12 ja 13-16