Hyppää sisältöön

La-talinta Shaqo ee Caalamiga ah

La-talinta Shaqo ee Caalamiga ah waxay bixisaa hagitaan ku saabsan su’aalaha la xiriira waxbarashada, shaqo raadinta iyo qorsheynta mustaqbalka shaqada.

Waxaan kugu caawinaynaa tusaale ahaan arrimaha soo socda:

  • Diyaarinta CV-ga iyo araajida shaqada
  • fahamka fursadaha kala duwan ee shaqo raadinta (tusaale ahaan tababarka shaqada, shaqo-dhaqancelinta iyo kaalmada mushaharka)
  • ka fiirsashada dookhyada waxbarashada iyo xirfadda
  • qorsheynta aqoontaada iyo jidkaaga shaqo

Adeeggu waa lacag la’aan, loomana baahna ballan qabasho.

Kaalay oo na soo booqo

La-talinta Shaqadu waxay ku adeegtaa goobo adeeg oo kala duwan iyo luqado kala duwan. Waxaa sidoo kale la heli karaa turjumaad degdeg ah.

Markii ugu dambeysay ee la cusboonaysiiyay 4.11.2026
Saddex shaqaale oo ka tirsan adeegyada dhismaha oo eegaya qalabka cabbirka.

Shaqo raadso

Suuqa Shaqada (Työmarkkinatori) waxaad ka helaysaa shaqooyinka banaan ee Finland.

Waxaa laga yaabaa inay ku xiisayso sidoo kale