Booska barbaarinta carruurnimada hore waxaa la codsan karaa sannadka oo dhan. Codsiga waa in la sameeyaa 4 bilood ka hor inta uusan ilmuhu u baahnaan booska barbaarinta. Booska waxaa looga codsadaa codsi elektaroonig ah (wuxuu u baahan yahay aqoonsi lagu galayo aqoonsiga bangiga/aqoonsiga moobiilka).
Haddii ilmuhu uusan aadin xannaano ama daryeelka qoyska ee maalintii, laakiin loo rabo hawlo la hagayo oo uu la sameeyo carruurta kale, ilmuhu wuxuu ka qaybgali karaa hawlaha barbaarinta carruurnimada hore ee furan.
Barbaarinta carruurnimada hore ee furan waa hawlo kooxeed iyo kafateeriya oo loogu talagalay carruurta iyo qoysaska. Hawluhu waa kuwo la hagayo oo loo qorsheeyay inay taageeraan koritaanka iyo barashada ilmaha. Hawlaha dhexdooda waxaa tusaale ahaan lagu samayn karaa ciyaar, bannaanka oo loo baxo, jimicsi, farshaxan iyo dhegaysiga muusigga. Waalidiintu waxay ka qaybgali karaan iyaga iyo ilmaha oo wada jira.
Hawlaha kooxeed ee barbaarinta carruurnimada hore ee furan waxaa magaalada looga codsan karaa foojarka adeegga, markaas oo hawluhu ay qoyska u noqonayaan lacag la’aan.