Hyppää sisältöön

Badbaadada dabka ee guriga

Badbaadada dabka waxay ka dhigan tahay in laga hortago dabka iyo in si sax ah loo dhaqmo xaaladaha degdegga ah. Waa muhiim in degane kasta uu ka taxadaro badbaadada gurigiisa.

Tallaabooyin yaryar ayaad kaga hortagi kartaa dabka, adigoo difaacaya naftaada iyo dadka kaleba. Sidoo kale waa muhiim in la ogaado waxa la sameeyo haddii uu dab kaco.

Xusuusnoow arrimahan marka aad guriga joogto

  • Raadi qalabka digniinta dabka ee guriga oo tijaabi si joogto ah
    Caadiyan waxaa loo baahan yahay 1 qalabka digniinta dabka ah 60 m² kasta. Mulkiilaha guriga ayaa mas’uul ka ah rakibidda qalabka digniinta dabka.
  • Hela bustaha dabka lagu demiyo ama qalabka gacanta ee dab-demiska oo barta sida loo isticmaalo
  • Sigaar cabista guriga dhexdiisa waa mamnuuc
    Guryo badan, sigaar cabista balakoonka sidoo kale waa mamnuuc. Barxadda waxaa laga yaabaa inay ku taal goob gaar ah oo loogu talagalay sigaar cabista. Haddii aad sigaar cabto, si fiican u demi sigaarka oo isticmaal weelka dambaska ee daboolka leh.
  • Ha kaga tegin kuleyliyaha, shumaca, fooxa ama meesha dabka lagu shido iyagoo shidan adigoon joogin
  • Ka fogee alaabta si fudud u guban karta meelaha kuleylka leh
  • Haddii gurigu leeyahay sauna, ha ku kaydin wax qalab ah oo guban kara halkaas
  • Ka dhig waddooyinka marinka kuwo bannaan
    Ha dhigin alaab albaabka hore ama albaabka balakoonka hortooda. Waa mamnuuc in alaab lagu kaydiyo marinnada jaranjarada ee dhismaha.

Sidan yeel xilliga uu dabku jiro

Lambarka degdegga ah 112

Mar walba wac lambarka degdegga ah oo raac tilmaamaha lagu siiyo. Waxaad codsan kartaa turjubaan.

Dab ka kacay gurigaaga dhexdiisa

  • Isla markiiba caawi dadka khatarta ku jira
  • Dabka yar ee hadda bilaabanaya waxaa la isku dayi karaa in lagu demiyo bustaha dabka ama qalabka gacanta ee dab-demiska
  • Ka bax guriga haddii ay badbaado tahay
  • Xir albaabka gadaashada si uusan dabka iyo qiiqu u faafin

Dab ka kacay meel kale oo dhismaha ah ama qiiq ku jira marinka jaranjarada

  • Joog guriga dhexdiisa!
  • Qooy tuwaal ama maro kale oo ku xir daldaloolada albaabka guriga iyo meesha boostada laga soo geliyo
  • Tag balakoonka oo soo jiido dareenka dadka
Markii ugu dambeysay ee la cusboonaysiiyay 4.11.2026